Wednesday 6 February 2013

Faaqidaadda Hawraarta-[Critiquing Literature]



FAAQIDAADDA HAWRAARTA: (Critiquing Literature)


Sida aynu soo ogsoonaanay, hawraarta ayaa laba goon ah: SOOBAAN Iyo SUUGAAN: Waxa aynu xadidaabnay waxa SUUGAAN inoogu qeexnaanaya, oo aynu dhahnay waa MURTI-da iyo MAANSOOYIN-ka. Waxa kaloo aynu carabaabnay waxyaabaha goonka SOOBAAN ku tilmaamnaanaya: Waxa u horeeya:
-          XAANSHI QORISTA:
-          Xaanshi gacalnimo
-          Xaanshi codsiya
-          Xaanshiyo xafiiseed(Rasmiya)…Ka-xafiis ilaa xafiis aada: Ama Wareegto iwm.
-          CODBAYN-ta/CODBAAN-ta/QUDBAD-da/KHUDBAD-da: Oo iyada la jeediyo oo kolkaas ah mid ORAFAN lagana dhigi karo mid QORAN.
-          CURIS-ka
-          INDEEX-da
-          MAQAAL-ka
-          JEEDAALWARIN-ta/JEEDAALO-da(The Review)
-          WARBIXIN-ta
-          WARFAALLO-da
-          FAALLO-da
-          INTIFAALLO-da
-          FALANQE-ha[Orafan ama Qoran]
-          FAAQIDAAD-da[Oo ah sida tan aynu hadda u gol-leenahay]
-          WAX-KASMEED[Sida Dersiyo/Duruusta buugaagta waxbarashada ku qoran]
-          WAX-GARNEED[Sida: Qandar qoran(Written Contract), Dardaaran(Will), Dastuur(Constitution), ]
-          DIHADHIG-ga
-          TAABADHIG-ga
-          SHEEKOOYIN-ka[Buugaysan sida NOVEL(Cusayble): Ama si kale u qoran oo la jili karo: Sida:- Majaajilo,Ruwaayad,Googoos,Maadays,Filim iwm]
Ugu horayn marka aynu SOOBAAN faaqidayno, waxa aynu kala soocyanaynaa halkarroda(The Features) soobaanta. Maxaa-yeelay, halkar kastaaba waxa uu leeyahay sasaan afeed oo loo baahan yahay inuu ku qornaado, ama ku dhignaado. Tusaale, haddii xaanshi gacalnimo uu qof qorayo, waxa uu ku bilaabayaa:
Gacal Hebel/Gacalo Hebla
Halka haddii uu xaanshi xafiiseed qorayo uu ku bilaabayo
Mudane/Jaalle ama Marwo/Jaalle
Sidaasoo weliba sii kale sasaan afeed duwan. Xaanshida gacalnimo waxaa ku dheehan dareen maaxateed(Emotional Feeling)-Waxa ku dheehan-Jacayl,labxasho,kalgacayl,isu-darsasho, is-jamasho,jamatiin(Romance) iwm, halka tan rasmiyeed lagu dhigaaleeyo sasaan afeed tigtigan oo aan maaxatadu hoggaankeeda ahayn.
Marka aynu isla garano, halkar kasta iyo sasaan afeedka ku habboon inuu ku dhignaado, waxa aynu gudagalaynaa:
 QIIMEYN FAAHFAAHSAN(Detailed Evaluation):
1.      Dhoodad-siin[Giving Merits For….]
2.      Dhiifo-saar[Libelling Defects For…]
Waxa aynu gudadayaynaa TIDICyada iyo TUDUCyada waxqoraalka qoraa’ kasta, waxa aynu isu barbardhigaynaa inta DHOOD ee qoraalkiisu yeeshay, iyo inta DHIIFOOD ee qoraalkiisu yeeshay.
Qoraallo-da waxbarasheed waxaa laga dayaa xaga gawnaanta(The Exactness) waxsheegga, sasaan afeedkooduna yahay mid bayaxa(Plain Language/Transparent), kaasoo ah mid tiraabaysan oo xiga sasaan afeedka rasmiga ah si ahaan. Waxa waxqoruhu uu ku taabaqoraa hab tiraab-tiraab ah, oo laga dhadhansan karo gawnaanta iyo saribnaanta (Specific-being ) waxa uu tilmaamayo, ama tiraabayo.
Qoraallo-da Curisyo ah, ama Sheeko ah, waxaa laga dayaa MEEXAAN-ka(The Aesthetics), waxa lagu dhoodad siiyaa, sida sheekarnimada leh ee uu u wax-sheegayo, higillada waxsheeg(Figures Of Speech) ee ku jira, hilqadaha(The Ornaments) uu adeegsaday, sida areennada(The Rhymes), Shibbareennada(The Consonances), Shaqalreennada(The Assonances).
Waxa la dayaa oo lagu dhoodad siiyaa, sida wax-qorniinkiisu ama waxsheeggiisu u ifaalleysan yahay(How Expressive it is), uu u sifaalleysan yahay(How Descriptive it is), uu u waraanwaryeysan yahay(How Narrative it is). Waxa la dayaa xidhiidhsanaanta ama isku-taxnaanta wax-qorniinkiisa ama waxsheegyadiisa, halsaawe ahaan(Monologue), haasaawe ahaan(Dialogue), iyo haasowtan ahaan(Conversationally).
Waxa lagu dhiifo-saaraa, sida uu intaas aynu soo xusnay u hal-seegan yahay.

FAAQIDAADDA SUUGAANTA:
Suugaanta Murtideeda iyo Maansadeedu waa ay kala saafan yihiin. Waxa aynu salal ka dhiganaynaa shanta god ee murtidu leedahay, iyadoo aynu maanku ku haysanayno in aynu ka guda-baadhno Maansooyinka tiraabaha murtigalka ah ee ku jira, oo ahaanaya tiraabaha dhaxalgalka ah, ee ku jira maanso, kuwaasoo ahaada, kuwo tiriyaha Maansoda ka-dibkiis loo soo xigan karo, tiraabahaas oo ah:
Maahmaah, Halqabsi, Halhays, Halkudheg, ama Halxidhaale.
Suugaanyahanka kastaa waxa uu taawiyay ama tiriyay waa FALTAAWO(ARTWORK): Waxaa aynu u faaqidaynaa sidatan:
1.      DABUUBTA Maansadiisa(Theme Of The Poem):
-Ma mid hufan baa? Mise waa mid xajiimo leh?: Dabuubtu waa ujeeddada ugu muhiimsan/koowaad ee maansada uu u tiriyay suugaanyahanku.
Sida Sooyaaleed(The Classical): Waxaa la qiimeyn jiray ama lagu tartami jiray Dabuubahan: Amaanta Dumarka, Amaanta Geella, Amaanta Fardaha iyo Guubaabada Dagaalgelinta ama Halganeed/Dareen kicinta.
Halkan tix walba waxa aynu sheegaynaa MEERISYADEEDA ama TUDUCYADEEDA(Oo ah intaasoo meeris oo isku ujeeddo biya-dhigaya), inta HUFAN oo aynu DHOODAD ku siinaynaa, waxa kaloo aynu sheegaynaa inta XAJIIMO-da leh oo aynu DHIIFO ku saaraynaa.
2.      DULUCDA: (The Contents):
-Waxyaabaha Meerisyada ama Tuducyada maansada ku tiraaban, ee ah nuxur guud, sida ka waranka ama ku soo halqabsiga dad iyo adeenti kalaba sida Libaax , iyo Waraabe oo la isku barbardhigayo ged murti-ahaaneed: Tusaale:
UBAD-DHAQASHADA:
Gorayadu Ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayoo
Aboodigu ku laayaa!
Shinbirtuna Aroosay
Ila-xidhoo amaana bay
Ubadkeeda seexisaa!

QOF-KAASHIGA:
Baadida Nin Baa Kula Dayi Daalna Kaa Badane
Oo Inaad Hesho Doonayn Daa’in Abidkaaye!

GOBANIMADA:
Gobonimadu Waa Libin Ku Taxan Geeddi Nololeede
Marna Waa Gumarrada Aadmigu Hantiyo Guusha Ugu Weyne!

Waxa la dayayaa sida ay u guud-taran tahay (Its Common Benefit To Mankind), ama ay ugu gaar-taran tahay goosan dad ah, sida qoys ama qabiil.
Sida aynu soo xusnay, haddii DABUUB-ta tixdu ahaato mid dhiifo leh, oo looga jeedo mid aan waxtar u lahayn, Aadmiga, maxaa-yeelay, Aadmiga dhulka guudkiisa ku nooli waa isku baahi, wixii midkood ama qaar ka mida waxtar u leh, intooda kalana waxtar baa ay u leeyihiin.

DAWLIIKA: (Structure Of The Poem)
Waa meexaanka(The Aesthetic): Habdhaca, sida ay maansadu u dhisan tahay farshaxan ahaan, ama taawo ahaan. Maanso kastaa waxa ay leedahay TIBIXQAAR: Oo ah tibix uu ku dhisan yahay AREEN-keedu(Its Rhyme): Waxa ay leedahay QADAN: Oo ah isu-dheelitirnaanta Meerisyadeeda.
Dhisnaanta dhan ee TIBIXQAAR ee maansada Suugaanyahan waxaa lagu siiyaa DHOOD.
Isu-Dheelitirnaanta ama QADAN-dhisnaanta Maansadiisa waxaa lagu siiyaa DHOOD.
·         Gabaygu waa boqorka maansooyinka: Meeriska(The Verse) gabayga ayaa ugu dheer maansooyinka jira.
·         Waxa kaloo jira gabay seddexley ah , oo ah jaad-gabayeedka ugu dawliilka adag: Sida:

Habka Nolosha Hiddaha Iyo Dhaqanka Hilinka Taariikhda
Hawshii Guriga Heeryada Ratiga Hiilka Iyo Hooda
[Gabay: Sayid Maxamed Cabdalle Xasan]
Waxa kaloo la dhahay:
Habka Nabadda Hiddaha Iyo Dhaqanka Hilinkii Hilaadda
Hawshii Guriga Heeryada Ratiga Hiilka Iyo Hooda!

Shansha Adhiba Shidhixaa Danbaa Shuxa Abidkiiye
Shahwo Oday Ka Qaaliban Abtiga Shaashadii Xumiye!
[Gabay Salaan Carabey]

Jaad gabayeedyadan ayaa ugu dawliil sareeya gabay Soomaaliga.
Waxa ay leeyihiin TIBIXQAAR Seddexan, halka gabayga raadifan uu leeyahay Tibixqaar Lamaan. Waxa u dheer HOORIS-ka(The Chorus), oo ah sida uu ku soo sargo’aya. Gabay tusaaleedka koowaad, waxa uu ku soo sargo’ayaa –DA. Halka gabay tusaaleedka labaad uu ku soo sargo’ayo –E. Taas oo ay uga egyihiin Gabay Carabiga.