HILAAD-TUS-ka = The Calendar
Isweydiimo badan baa jira oo ku tooman bulshada Soomaalida, kuwaasoo isweydiinaya in bulshadani lahayd hilaad-tus, ay ku tubaabtami jireen. Dadyowgii odorasay ee waxdhigashooyinka Soomaalida faanbiyay waxa ay qireen, in dadkani lahaayeen maalmo tirsiimo, iyo bilo tirsiimo, iyo gu’tirsiimo. Maalmuhu waa ay u kala asteysnaayeen, biluhuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen, gu’yaalkuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen. Waxa se aanay tira-tusmaynin hilaad-tus sii kordha tirsiga gu’ba gu’ga xiga, kaasoo ahaan lahaa hilaad-tus muuqda.
Aqoomihii Soomaalida waxaa ka mid ah, xiddigiska(Astrology-ga)- Maaha ASTRONOMY oo ka dhigan XIDDIKASYI-ga. Labadaas aqoomeed waa aynu kala aqaynaynaa, sida ay u kala jiraan. Xiddikasyi-gu waa barashada malluubaha(Malluub-ta=THE OBJECT) koraysyeed ee cirka ka muuqda. Kuwaas oo ay ka mid yihiin –Qorraxda, Dayaxa, Meereyaasha, iyo Xiddigaha. Xiddiguhu waa malluubo, cirka ka muuqda malluub ahaan-na waa qorraxyo fog-fog, oo lakaagyo gu’ileys/Shimil-ileys(Lightyear) inoo jira. (GU’ILEYS/SHIMIL-ILEYS/LIGHTYEAR= Fogaadda uu ileys socdaali-lahaa gu’ ama sanad.)Fogaantaas oo keenaysa inaynaan u dhuganin ahaantooda ay yihiin qorraxyo fogfog, balse ay inoogu muuqdaan malluubo bidhaamaya. Dayaxu waa malluub ka ileys qaadata qorraxda oo iftiime ahaan inoogu muuqda. Meere waa malluub ku meera qorraxda , dhulku-na waa sidaas oo kale waa meere ku dul-meera qorraxda. Dhugashada meerayaashu waa kuwa ifaa-baqtiya marka la eegayo habeenkii, halka xiddiguhu ifaa-muuqdaan oo aanay wac-demlaynin. Marka aynu dhulka joogno ee aynu wax ku dhuganayno isheena arradan, dayax keliya ayaa inoo muuqda kaasoo ah, kan aynu ka tirsano bisha tirada ay marayso kolba. Haseyeeshee , haddii aalado la kaashado waxa meereyaasha kaleeto ay leeyihiin malluubo ka dhigan dayaxyo laga arko, waa marka aalad la kaashanayo.
Marka aynu warinayno Xiddikasyiga –DAYAXU waxa uu ku dul-meeraa DHULKA, dhulkuna waxa uu ku dul-meeraa QORRAXDA.
Dunida maanta waxaa ka hilaad-tus ah, laba hilaad-tus oo midkood laga soo tirsi-bilaabay dhalashadii Nebi-Ciiseh(c.s.) – Oo ku socota qorraxtirsiimada, 12-kii biloodba mar (Shimil-ku)gu’gu u yahay mid cusub. Tan kale waa Hijradtirsiimadii Nebi-Muxamed (s.c.s.)- oo ku socota dayaxtirsiimada, halkaasoo 12-kii biloodba dib u soo bilaabanta (Shimil)gu’ cusub. Labadaas hilaad-tus ayaa la kala hilaadsadaa – 1- Hilaad-tuska MIILAADIGA –iyo 2. Hilaad-tuska HIJRIYADDA. Soomaalidu waxa ay tirsadaan Hilaadtuska HIJRIYADDA, oo ay la haystaan dadyowga kale ee Muslimiinta ah. Geesta kalana waa ay la tirsadaan , tan MIILAADIGA ah, dadyowga kale ee taas tirsada, iyadoo la qoro, sida ay kolba iskugu beegmayaan miltiyadoodu(DATES-ku).
Tusaale:- Maanta maalintu waa MALLABO(Ithniin), miltigu-na(DATE) waa 12, bishii (Decembar)oo ah tii 12-aad ee hilaad-tuska MIILAADIGA oo maraya 2011-gu’yood. Halka ay HIJRIYADDU-na marayso 17-kii MUXARAM 1433-gu’yood. Hilaad-tuska Soomaaligu na waxa uu ku tilmaamaa bisha MUXARAM oo ay ugu magacaaban tahay 17-kii bisha DAGO.
Magacyada bilaha HIJRIYADDA ee Carabiga ah, iyo magacyada Soomaaliga ah –sidatan ayay u gudboon yihiin:
Hilaad-tuska Dayax Ee Soomaalida: SOMALI LUNAR CALENDAR:
1- MUXARRAM = DAGO
2- SAFAR = DHURRO-HORE
3- RABIICAL-AWAL = DHURRO-DANBE
4- RABIICAL-THAANI = RAJAL-HORE
5- JAMAADUL-AWAL = RAJAL-DHEXE
6- JAMAADUL-THAANI = RAJAL-DANBE
7- RAJAB = SABBUUX
8- SHACBAAN = WAABERRIIS
9- RAMADDAAN = SOON
10- SHAWAAL = SOONFUR
11- DTUL-QQACDAH = SIDATAAL
12- DTUL-XIJJAH = CARAFO
Waxaan sidaas ka soo xigtay kobgalsheedka www.REDSEA- ONLINE.COM
Soomaalidu magacyo uma ay yeelanin maalmaha, waxa se jira magacbixinno kale oo kala duwan oo
la kala yeedhsado.
HILAAD-TUSKA QORRAXEED EE SOOMAALIDA: SOMALI SOLAR CALENDAR:
Bilaha Xilliga Gu'ga = Months Of Spring Season:
1. SEERMAWEYDO = APRIL
2. DIRIRCAWLEED = MAY
3. DIRIRSAKAARO = JUNE
Bilaha Xilliga Xagaa'ga = Months Of Summer Season:
4. SAMALAHO = JULY
5. WARANWEER = AUGUST
6. KARAN = SEPTEMBER
Bilaha Xilliga Dayrta = Months Of Autumn Season:
7. DANBARSAME = OCTOBER
8. DAYR-HALALOOD = NOVEMBER
9. DAYR-GUDBAN = DECEMBER
Bilaha Xilliga Jiilaalka = Months Of Winter Season:
10. TODOB = JANUARY
11. XAYS = FEBRUARY
12. DIRAAC = MARCH
Magacyada Maalmaha Todobaadka Oo Ka Gudbandhigan Micnaha Carabiga: Names Of The Week-days In Somali Language:
1. AXAD = MALKOW ,
2. ITHNIIN = MALLABO ,
3. THULATHAA = MALSED,
4. ARBACAA = MALAFAR,
5. KHAMIIS = MALSHAN,
6. JUMCAH = MALKULAN ,
7. SABTI = MALTOD.

Fiirra Gaarra: Waxkaseennada Soomaalida ee malluugayn jiray malluubaha cirka jira waxa ka sugnaaday in Qorraxda ay dayi jireen taasi oo todoba magac u kala lahayd, todobada magacna tilmaamanaayeen 1- Milic: 2- Qorrax: 3- Gabal: 4- Dhalco: 5- Cadceed: 6- Shaacdo: 7- Libdho: waxa mulluugeeyayaalsha Soomaalida ee Cadceedda magaca ay maalintaas xusan tahay ka burtay markii Qqur'aanku bayaamiyay in HAL SHAMS uunlee ay tahay oo markay kaa maqan tahay qayrkaa ku maqan tahay, oo waxaa buray ictiqqaadkii ahaa in dharaar walba mid gooniyi soo ilays ka baxdo.
8 comments:
Siciid aad baad ugu Mahadsan tahay Qormadan Cusub ee aad ku soo kordhisey Degelkaagan aad uugu talo gashay inaad ugu faa'ideyso aqoontaada ummadda Soomaaliyeed. Waxaad soo bandhigtay waxyaabo aad u badan iyo ereyo ani ahaan igu cusub, sida tusaale ahaan 'Hilaadtus, Malti, iyo dabcan magacyada Billaha Af Soomaaliga oo aan dhawr ka aqaanay, sida Soon iyo Soonfur, iyo Sadataal oo kale. Hadda aad baan ugu farxay run ahaantii markii aan arkay qoraalksan isaga ah.
Siciid,
Soomaalidu magacyo waa ay u yeelatay maalmaha toddobaadka; in kasta oo aysan bulshadu si weyn u adeegsanin, ammaba ula soconnin, magacyadan iyaga ah. Waxa ayna, ugu yaraan, magacyadanu u kala hormaan saddexdan siyood:
1. Sunni(Axad), Sanni, Koodaar, Goonyaad, Ugbaad, Hoyaad, iyo Nagaad(Sabti).[1]
2. Koowin(Axad), Lammin, Lamtoka, Koodaar, Hakisa, Hakisbila, iyo Sooroga(Sabti).[2]
3. Case(Axad), Lame, Sabe, Aar, Uguux, Agaax, iyo Cegaali(Sabti).
Magacyada hormada labaad waxaa bixiyey, baa la yiraah, abwaan Xasan Sheekh Muumin (Ahn); waxa uuna ku saleeyay ciyaartii dhallaannimada ee: koobiin, laabiin, lamatoka, koodaar, birbiraay, (birta qabo), soo-rogaay, (toban dheh). Sida muuqata se, waxa ay magacyadani la saansaan yihiin kuwo hormada koowaad. Haddii ay magacyada hormada koowaadi ka dab-qaateen kuwa hormada labaad waxa suubban in aysan labaduba soojireen ahayn, oo waa' aan sii fogayn la kakabay.
Dhanka kale, magacyada hormada saddexaad waxaa wariyay oo VOA-da ka shaaciyey Cismaan Cabdinuur Xaashi.[3] Waxa uuna sheegay in ay magacyadanu yihiin kuwo fil weyn, oo ay Soomaalidu waayo hore adeegsan jirtay. [Xaqiijinteeda, baadhis igama haysoo, hub ayaanan u haysan!]
Isku soo wada duudduuboo, waxa ay saddexdaas siyoodi ka marag-kacayaan in ay Soomaalidu u yeelatay magacyo maalmaha toddobaadka.
Waxa bad kale ah, in ay dar reer Mesobotaamiya ihi unkeen waxa toddobaadka la yiraah, si ay bisha u sii kala qurubsadaan---sida sanadku uu afar qaar (xilliyadood) u kala yahay ayey bishana afar qaar uga yeeleen: Toddobaad (7 beri ah) baa na halkaas ka dhashay. Haddaba, inta aysan taasi dhicin, kuna faafin xaddaaradaha waagaas dhisnaa, maalin kasta oo bisha ka mid ihi waxa ay lahayd magac u goonni ah. Tan waxa caddayn u ah, Oromada aan deriska nahay oo leh 27 magac oo ay maalmaha bisha ku tirsadaan![4] Sida ay tahay, xaddaaraddaas Mesobotaamiya ee toddobaadkaba curisay ma aysan duqaynin Oromada!
Waxa kaloo bad kale ah, in magacyada toddobaadka ee Ingiriiska (iyo Yurubtu) ku sal leeyihiin malluubaha cirka. Malluubahani waxay kala yihiin: Qorraxda, Dayaxa, Dusaaga (Mercury), Waxaraxirka (Venus), Farraarraha (Mars), Cirjeexa (Jupiter), iyo Raagaha (Saturn). Haddaba, maalinta Qorraxda (Sunday), maalinta Dayaxa (Monday), iyo maalinta Raagaha (Saturday) ayuun baan la tirtirin, oo aan lagu baddalin maalmaha ilaah-beeneedyada Roomanka (Jarmaanka ah) ee kala ah: Tiw (Tuesday), Woden (Wednesday), Thor (Thursday), iyo Frigg (Friday).[5]
Gabogabadii, waan soo dhaweynayaa Siciidow in aad isku tosho habtirsiimaha aan aan la wadaagno Carabta, sida: Axad, Ithnayn, iwm., iyo habjabaqa ay maalmaha Ingiriisku leeyihiin, sida: monDAY, tuesDAY, iwm. Waxaadna soohiddaas ka soo saartay maalmaha Soomaaliga ee: Malkow = Maalin Kow; Mallabo = Maalin Labo, iwm ee toddobaadka. Waxaan se aad u jeclaan lahaa magacyo ay Soomaalidu xaddaaraddeeda ka taransatay oo ay u bixin lahayd maalmaha toddobaadka (oo 7 magac ah) amma maalmaha bisha (oo 30 magac ah) amma maalmaha sanadka (oo 360 magac ah)!
Mahadsanid,
Jidhidhico
Bariidin Nabadda Md,Jidhiidhico,
Aad baad ugu riyaaqay sida qurxoon ee aad uga faallootay maalmaha iyo magacyadooda, amaba guud ahaan baabkan cilmi-fellegga gala. Xog badan baad iiga kordhisay oo aan kaaga bogaadinayaa.
Mahadsanid
Seid Abdi
Waa gole lagu ururin karo aqoontii Luntay ee soomaali lahayd hadii Ay dadka ka nabad gasho in kastoonn islahayn wax baa laga kororsan doonaa
Sababtoo ah Soomaalidan maanta joogtaa xidigiska iyo Astrology gaba dambi bay u taqaanaa
Ustaad marka kowaad waan bogaadinayaa habka wanaagsan iyo xulashada erey bixinta aad samaynayso dadaalkaaga Eebbe hakaa abaalmariyo waxa se kaa codsan lahaa in aad sida aad maalmaha iyo bilahaba magacyada ugu yeerno afkeenna noogu soo gudbisay aad noogu soo gudbiso erey bixinta waqti ahaaneed sida saacad, daqiiqad iyo sikin oo kale.
Maashallah waad mahadsan tahay sidaad noogu xafiday Afka Hooyo allah haku xafido wll
Hagaag
Faramaal Ayaa Dihiin!!!
Post a Comment