Sunday 11 December 2011

Hilaad-tus = Calendar

HILAAD-TUS-ka = The Calendar
Isweydiimo badan baa jira oo ku tooman bulshada Soomaalida, kuwaasoo isweydiinaya in bulshadani lahayd hilaad-tus, ay ku tubaabtami jireen. Dadyowgii odorasay ee waxdhigashooyinka Soomaalida faabiyay waxa ay qireen, in dadkani lahaayeen maalmo tirsiimo, iyo bilo tirsiimo, iyo gu’tirsiimo. Maalmuhu waa ay u kala asteysnaayeen, biluhuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen, gu’yaalkuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen. Waxa se aanay tira-tusmaynin hilaad-tus sii kordha tirsiga gu’ba gu’ga xiga, kaasoo ahaan lahaa hilaad-tus muuqda.
Aqoomihii Soomaalida waxaa ka mid ah, xiddigiska(Astrology-ga)- Maaha ASTRONOMY oo ka dhigan XIDDIKASYI-ga. Labadaas aqoomeed waa aynu kala aqaynaynaa, sida ay u kala jiraan. Xiddikasyi-gu waa barashada malluubaha(Malluub-ta=THE OBJECT) koraysyeed ee cirka ka muuqda. Kuwaas oo ay ka mid yihiin –Qorraxda, Dayaxa, Meereyaasha, iyo Xiddigaha. Xiddiguhu waa malluubo, cirka ka muuqda malluub ahaan-na waa qorraxyo fog-fog, oo lakaagyo gu’ileys/Shimil-ileys(Lightyear) inoo jira. (GU’ILEYS/SHIMIL-ILEYS/LIGHTYEAR= Fogaadda uu ileys socdaali-lahaa gu’ ama sanad.)Fogaantaas oo keenaysa inaynaan u dhuganin ahaantooda ay yihiin qorraxyo fogfog, balse ay inoogu muuqdaan malluubo bidhaamaya. Dayaxu waa malluub ka ileys qaadata qorraxda oo iftiime ahaan inoogu muuqda. Meere waa malluub ku meera qorraxda , dhulku-na waa sidaas oo kale waa meere ku dul-meera qorraxda. Dhugashada meerayaashu waa kuwa ifaa-baqtiya marka la eegayo habeenkii, halka xiddiguhu ifaa-muuqdaan oo aanay wac-demlaynin. Marka aynu dhulka joogno ee aynu wax ku dhuganayno isheena arradan, dayax keliya ayaa inoo muuqda kaasoo ah, kan aynu ka tirsano bisha tirada ay marayso kolba. Haseyeeshee , haddii aalado la kaashado waxa meereyaasha kaleeto ay leeyihiin malluubo ka dhigan dayaxyo laga arko, waa marka aalad la kaashanayo.
Marka aynu warinayno Xiddikasyiga –DAYAXU waxa uu ku dul-meeraa DHULKA, dhulkuna waxa uu ku dul-meeraa QORRAXDA.

Dunida maanta waxaa ka hilaad-tus ah, laba hilaad-tus oo midkood laga soo tirsi-bilaabay dhalashadii Nebi-Ciiseh(c.s.) – Oo ku socota qorraxtirsiimada, 12-kii biloodba mar (Shimil-ku)gu’gu u yahay mid cusub. Tan kale waa Hijradtirsiimadii Nebi-Muxamed (s.c.s.)- oo ku socota dayaxtirsiimada, halkaasoo 12-kii biloodba dib u soo bilaabanta (Shimil)gu’ cusub. Labadaas hilaad-tus ayaa la kala hilaadsadaa – 1- Hilaad-tuska MIILAADIGA –iyo 2. Hilaad-tuska HIJRIYADDA. Soomaalidu waxa ay tirsadaan Hilaadtuska HIJRIYADDA, oo ay la haystaan dadyowga kale ee Muslimiinta ah. Geesta kalana waa ay la tirsadaan , tan MIILAADIGA ah, dadyowga kale ee taas tirsada, iyadoo la qoro, sida ay kolba iskugu beegmayaan miltiyadoodu(DATES-ku).
Tusaale:- Maanta maalintu waa MALLABO(Ithniin), miltigu-na(DATE) waa 12, bishii (Decembar)oo ah tii 12-aad ee hilaad-tuska MIILAADIGA oo maraya 2011-gu’yood. Halka ay HIJRIYADDU-na marayso 17-kii MUXARAM 1433-gu’yood. Hilaad-tuska Soomaaligu na waxa uu ku tilmaamaa bisha MUXARAM oo ay ugu magacaaban tahay 17-kii bisha DAGO.
Magacyada bilaha HIJRIYADDA ee Carabiga ah, iyo magacyada Soomaaliga ah –sidatan ayay u gudboon yihiin:
Hilaad-tuska Dayax Ee Soomaalida: SOMALI LUNAR CALENDAR:
1- MUXARRAM = DAGO
2- SAFAR = DHURRO-HORE
3- RABIICAL-AWAL = DHURRO-DANBE
4- RABIICAL-THAANI = RAJAL-HORE
5- JAMAADUL-AWAL = RAJAL-DHEXE
6- JAMAADUL-THAANI = RAJAL-DANBE
7- RAJAB = SABBUUX
8- SHACBAAN = WAABERRIIS
9- RAMADAAN = SOON
10- SHAWAAL = SOONFUR
11- DUL-QQACDAH = SIDATAAL
12- DUL-XIJJAH = CARAFO
Waxaan sidaas ka soo xigtay kobgalsheedka www.REDSEA- ONLINE.COM
Soomaalidu magacyo uma ay yeelanin maalmaha, waxa se jira magacbixinno kale oo kala duwan oo
la kala yeedhsado.

HILAAD-TUSKA QORRAXEED EE SOOMAALIDA: SOMALI SOLAR CALENDAR:

Bilaha Xilliga Gu'ga = Months Of Spring Season:

1. SEERMAWEYDO = APRIL
2. DIRIRCAWLEED = MAY
3. DIRIRSAKAARO = JUNE

Bilaha Xilliga Xagaa'ga = Months Of Summer Season:

4. SAMALAHO = JULY
5. WARANWEER = AUGUST
6. KARAN = SEPTEMBER 

Bilaha Xilliga Dayrta = Months Of Autumn Season:

7. DANBARSAME = OCTOBER
8. DAYR-HALALOOD = NOVEMBER 
9. DAYR-GUDBAN = DECEMBER

Bilaha Xilliga Jiilaalka = Months Of Winter Season:

10. TODOB = JANUARY
11. XAYS = FEBRUARY
12. DIRAAC = MARCH

Magacyada Maalmaha Todobaadka Oo Ka Gudbandhigan Micnaha Carabiga: Names Of The Week-days In Somali Language:

1. AXAD = MALKOW ,
2. ITHNIIN = MALLABO ,
3. THULATHAA = MALSED,
4. ARBACAA = MALAFAR,
5. KHAMIIS = MALSHAN,
6. JUMCAH = MALKULAN ,
7. SABTI = MALTOD.