Wednesday 25 October 2023

Gareefnaan [ Grammarly]

 GAREEFNAAN [ Grammarly]

Gareefku wuxuu kaa caawiyaa, hadashada hadalka ama se fahamka hadalka, labadaba hadlaha iyo lala hadlahaba, waa u lama huraan, inay garansanaadaan, gareefka, oo ah qodobada iyo xeerarka u degsan, ku hadalka Soomaaliga. Haddii garansannaanta ereyada laqadka aad hadlayso ay kugu yaryihiin, waxaad noqonaysaa qof cabudhsan oo ku diiqadoonaya ku-hadalka laqadka aad hadlayso, Tusaale:- * Dad badan baa markay sheegayaan aan kala soocin, DILIS & GARAACIS. Dilis waxay ku quman tahay kolka qudha laga saaro, taasoo dhimasho geyeysiisa qofka falku ku dhacayo, halka garaacid ay ku macno leedahay, feedh la dhac, ul la dhac, dhirbaaxyeyn iwm. Laqadka waxaa loo adeegsadaa WAXSHEEG kaas oo ay ugu horayso inaad ku IFAALLEYN karto DOOC & DAREEN. Doocyadu waa shantaada waxdooc waxa ay doocan yihiin, aragga, maqalka, urinta, dhadhaminta, dubaaxda diirka ama oogada jidhka taabsasho laga doocdo. Dareenku waa maaxatooyinka sida ciilka cadhada,murugada  faraxa, riyaaqa, miliilicashada ,dhamaan bogaaddo iyo guhaadaba. Markale waxaa laqadka loo adeegsadaa SIFAALLEYNTA: Waxa lagu sifaalleeyaa SI, SUMAD, SANSAAN, SINJI /SOWRAC, adigoo adeegsanaaya ereyada laqadka ka helmoon ee sitaamaynaaya sisabayaalshaas. Aftahamo ayuu qofku yeelshaa marka uu balaadhiyo garansannaanta ereyo badan oo laqadku leeyahay, halkaasoo uu ku deexan karo waxsheeg badan, ama uu hanankaro malkada ah ,inuu yahay sheekar. Gareefku waa gardhaha ama qqaanuunka uu laqadku leeyahay, ee kugu hagaaya, kala xulashada ereyada ku kala habboon, kolba waxsheeggaaga. Waxa ugu horeeya QODOBADA Soomaaliga, oo la dhaho Todobada Lamaanaada ged-ahaan: 1- A/U [ Sida WAX-A/ WAX-U] : Qodobka A: Waa qodob raaca magacyada aan lab iyo dhedig toona loo kala saarin ee la dhihi karo waa BAYOOX[NEUTRAL ] . Marka la tiraabayo waxsheegan oo kaleeto " Wax-a uu cunay rooti" / "Wax-a ay cuntay rooti" - Halkan UU iyo AY ayaa kala tiraabaynaysa labada jender ee wax cunay, balse wixii la cunay ma kala jenderna, lab iyo dhedig . Qodobka a ee ku dibkabma magacaabnaanta WAX waa bayoox. Ereyga GABADH-A in walboo gabadh loo garanaayo dhedig haddana waxaa ku dib kabma qodobka bayooxa ah. Kolka ay gabadh tahay FALOOGE [ Subject] Waxa qodobkii A uu u gedbismayaa U: " Gabadhu way hadlaysaa"  - Saas aynu xusnay baa qodobka bayooxa ah uu laba ged ku yeelshaa oo kala ah A & U. Waxa qodobada lamaanaada ee hadhsan ay kula safmaan seddex raaca magacyada lab 2- KA/KU 3- GA/GU 4-HA/HU waxa labada ged u kala gedbinayaaana waa FALOOGEnimada . Tusaaleyaal: 2.1- "Qofka raba inuu hadlo ha iga fasax qaato" -  " Qofku hadduu hadlayo waa in la dhegaystaa" -- Labadan ged ee marna la raaciyay QOF-KA waa magacaabid marka kalana waa tiraabid loo tixgelinaayo inuu isagu faloogenimo ku hogaaminaayo weedha. 3.1- "Arag-ga ayaa ugu muhiimsan waxdoocyada" - waa waxhseeg magacaabid ah oo magacaabaya ARAG-GA. Haddiise weedhu ku bilaabanto " ARRAG-GU waa sii tiraabnaan xog dheeraad ah kaa siinaysa saabsanaha taas oo ah gedda faloogenimo ee aragga.---" Arrag-gu aad buu muhiim u yahay" [ Kolkan waa wax-arragii faloogenimadiisii waxa la tiraabayaa].4.1- "Biya-ha waxaa ku nool adeentida " [ U fiirso cidda faloogenimada wadataa ee weedhu dirgan tahay waa adeentida iyagu ku nool biyaha] 4.2- " Biyu-hu waa loogama maarmaan nafta " Halkan na waxa gedda labaad ee qodobka -HU ay tiraabayaan tarka faloogenimo ee biyaha. Intaas waa seddexda qodob ee raaca labka oo noqda kuwo laba gedlayaal ah. Waxa xiga seddexda dhedigan oo iyaguna gedo lamaan leh, 5- TA/TU: 5.1- " Bir-ta waa la tumaa si loo jinjimo" [ waa magacaabnaanta waxa bir la dhaho] 5.2- "Bir-tu kulaylka dabkay ku dhalaashaa" [ waa waxsheeg u sifo laabanaaya saabsanihii birta ahaa] haddii la dhaho " Birta kulaylka dabkay ku dhalaashaa" / Waxa ka gareefnaan toosan " Birtu Kulaylka Dabkay Ku Dhalaashaa" . 6- DA/DU : 6.1- Marka aan dhaho "Bad-da " [ waan ku joogi karaa intaas gareef-ahaan ] balse 6.2- Marka aan dhaho " Bad-du ....waxaa la sugayaa xog raacsanaanaysa ..." Bad-du inay madowdahay biya tahay ma moog tahay" : 7- SHA/SHU.."Meel-sha ..." [ waa waxsheeg iskii u dhan oo lagu joogi karo] Haddii se aan dhaho " Meel-shu....." waa inaan faallada ku daraa inta ka dhiman " Meel-shu dulin bay leedahay" - Haddaad dhahdo " Meel-sha Dulin bay leedahay " Ma GAREEFNA.

No comments: