Thursday, 15 April 2010

Curis Sare:GALSHO (Essay:INTERNET)

GALSHO:
Waa maxay galsho? Goormay soo baxday? Ayaa soo saaray? Isweydiimahaas oo dhan, waxa laga bixin karaa wabmooyin waafiya. Marka aad aado, daas-galsho(Internet Cafe) laga galo, sida haatan badan ee magaalo walba ka jirta, taasoo dad badan ka adeegsadaan, iyagoo ka tarhelaya mintamooyinka galshadu u leedahay. Haddii ay taasu dhacdo oo aad soo joogsato daaskaas galshada laga galo – waxa aad ogaanaysaa galshada iyo waxtarkeeda, adigoo waliba ogaanaya in sida aad u joogto goobtaas uu qof kale oo kula mid ahi isna u joogo daas-galsho uu kuu jira lakaag(Million) waar(Meter). Haddaba haddii aad sii hadashada isku weydiiso waxa ay galshadu tahay, iyo sida ay u suurtagal tahay. Galshadu waa farsamaati(Technology) aad u sareeya, oo si mahwiya(Public) u soo shaacbaxay 90-meeyadii. Waxa se uu soo jiray farsamaatigaasi ilaa 70-meeyadii, iyadoo uu ku koobnaa goobo dad tirsan u gaarra.
Galshadu waa falkane(Network) isku xidhiidhiya lakuug dad-ah, oo kala jooga goobo lakaagyo waar isu kala jira. Farsamaatigan, haddii aynu ka warano, waxa aan ku tusaalaynayaa, farsamaatiga kooska ka soo jiray, ee codka la isugu tebin jiray, kaasoo ahaa qalabka dhawaqtaarka(The Telephone). Qalabkaasu sidiisii hore wuxuu ahaa taarar siligyo ah oo isku xidhiidhsan, iyagoo isugu iman jiray xarunta-dhawaqtaarrada(Telephone Exchange) iyadu marba labada dhawaqtaar ee xidhiidhaya isugu xidhi jirtay taarka. Marka aynu qalabkaas ka waramayno weli waa ay jirtaa xarunta ay isugu yimaadaan dhawaqtaarrada siligeed(Land-line Telephones). Si farsamaatigaas ku saameelan ayaa, waxa la hindisay in goobtii qalab dhawaqtaar yiilay,in la dhigo qalabka tubsheelka(The Computer) ah, oo qof kalana isagoo goob kale jooga, tubsheelkiisu isna ku taarnaado ka kale, oo ay xaruntu xidhiidhiso. Qalabka tubsheelku waa qalab ku samaysan farsamaatiga Jacnabaatiga(Electronic), waa qalab jacnabaatiya, waana qalabka suurtageliya jiritaanka galshada, maanta ku baahsanaatay koosweynaha.
Qalabka jacnabaatiga waxa tabarta uu ku shaqeeyo siiya jacroorka(Electericity), oo ah tamar jacrooreed(Electeric Energy). Sida xeerka tamartu dhigayo, tamar lama abuuri karo, lamina baa’biin karo –Balse waa la gedgedin karaa. Waxa jira hinjiin jacroor dhaliye ah(Electeric Generator), kaasoo shidaal ku jira oo ahaa tamar keydsan(Potential Energy) u gediya jacroor. Waxa ka soo jiidan hinjiinka jacroor dhaliyaha ah, silig kaasoo jacroorku soo dhexqaado, waxa siligaasu uu soo galaa guryaheena, waxa lagu xidhaa nal, kaasoo laga daaro ama laga demiyo qadh(Switch), intaas siliggu isku xidhiidhsho waxa lagu magacaabaa mareeg(Circuit). Qadh waa halka laga maamulo ama xakeemeeyo mareegta naleed. Haddaba waxa laga horumaray farsamaatiga, oo waxa la hindisay mareeg ebyoon(Integrated Circuit), oo ah daab yan(Micro Device) oo farta aad ku qaadi karto. Waxa horumarka farsamaatigu gaadhay, in daabab yanyan oo mareegta ebyoon ka mid tahay, la isku rarkabo oo laga sameeyo qalabkaas aynu ku magacaabnay tubsheelka. Jacroorka soo dhexqaadaya siligga galaya tubsheelka ayaa dhexmuquurta daababkaas yanyan ee tubsheelku ka samaysan yahay. Farsamada uu ku shaqeeyo tubsheelkuna waa iyadoo daababkaas sida dhafka-adag(Sophisticated/Complex) iskugu rarkaban marna la deminayo marna la daarayo, oo ah iyadoo mar jacroorka laga jarayo, marna jacroorka loo soo daynayo, si uu qalabkaas jacnabeed ee tubsheelku u qabto hawlaha loo hindisay.
Tubsheelku waa suurtageliyaha galshada sidaynu soo xusnay. Beryihii hore tubsheelku waxa uu tebin jiray qoraalka tibxaha oo keliya, haatan waxa uu tubsheelku tebiyaa qoraalka tibxaha, codka, iyo muuqaalka, oo uu si nooliya qofka kale ee isna ku taaran galshadu tubsheelkiisa ka guddooman karo. Xarunta Dhawaqtaarrada ee siligyada dhawaqtaarradu iskugu yimaadaan waxa yaala qalab jacnabaatiya oo lagu magacaabo adeegtare(Server), waa qalabka keydiya xogta ay galsho adeegsadayaashu ku keydsadaan. Adeegsadeyaasha galshadu waxa ay samaystaan qandi(Account) summad gaarra u leh qof walba, taasoo ah tibxo sida qof magaciisa, halkaasoo ay isugu diraan dhanbaal jacnabaatiya(Electronic Mail), oo marka la soo sargaabsho la dhaho dhanjac(Email). Waxa kaloo adeegsadayaasha galshadu samaystaan goobgalsheedyo(Websites) ay ku soo wadhi karaan maqaalo tibxa-qoran, codad ku kaydin karaan laga dhegaysan karo, ama muuqaalo laga daawan karo.
Horumarka farsamaatigu wuu sii socday, oo waxa soo baxay dhawaqtaarro siligla’(Wireless Telephones), halka kuwii hore rug uun ay yaaleen. Dhawaqtaarradaas waxa la dhahaa dhawaqtaar meergal-ah(Mobile Telephone), ama meergal(Mobile). Sida aynu soo xusnay galshadu waxa ay adeegsatay siligyadii loo adeegsan jiray dhawaqtaarrada ee isku falkanaa, falkanaha galshaduna waxa uu ugu horayntii dhigay tubsheel halkii dhawaqtaar siligeed yiil. Haatan, dhawaqtaarrada meergalka ahi, waxa ay tebintooda ku sii daayaan hawada, halkaasoo xarunta dhawaqtaarradu ka guddoomato hawada tebintii, oo ay ku xidhiidhiso dhawaqtaarka kale ee isna wada-xidhiidhku ka dhexeeyo. Taas waxa xigay galsho meergal ah(Mobile Internet). Waxa qofku uu maanta haysan karaa tubsheel dhabsaar ah(Laptop Computer), oo lagu rarkabayo dhawaqtaar meergal ah, oo tebinta hawada ugu sii daynaya taniyo inta xaruntu guddoomanayso ee ay adeegsade kale ku xidhiidhinayso, oo isna hadduu doono miyigaba iska jooga.
Galshada maantu waxay ka dhigan tahay keyse(Resource) uu qofku ka heli karo, warar,xog, aqoon, kasmo, haasaawe,madadaalo iyo wax kastoo maankaaga ku soo dhaca. Galshada maantu waa koos dhan.

TIRAABO -(TERMS)-Tilmaameed

ELECTRON = JACNAB
PROTON = LIDJAC
NEUTRON = BAYOOX
Electric = Jacrooreed
Electricity = Jacroor
Electronic = Jacnabaati
Neutral = Bayoox
Neutralize = Bayooxayn
Neutralized = Bayooxan
Transparency = Bayaxnaan
Transparent = Bayax
ELECTRICAL ENGINEERING = Waxhindis Jacrooreed
ELECTRICAL ENGINEER = Hindisle Jacroor
ELECTRONIC ENGINEERING = Waxhindis Jacnabaati
ELECTRONIC ENGINEER = Hindisle Jacnabaati

Lakaag = Million
Lakiig = Billion
Lakuug = Trillion

15 comments:

Jidhidhico said...

Bariido wacan,

Ninyahow qosal baan dhacay markaan carrabka ku qaatay eray kakab ah, balse duluc shishe leh, oo qoraalkan kakan dhex-mulucyeysan, waana erayga "jacnabeed." Haddaba eray-horaha "jac" gartay oo waa "dab" sida Sayidkuba u yidhi: "Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dhe!"; balse eray-dambaha "nab" ma sida uu macnaha u wataa (tus: naban), mase macne kale ayaad u haysaa? [Dhanka kale, erayga "jacroor" waa mid isagu macne sugan leh, oo waxa uu si wacan u tilmaamayaa qulqulista danabka (electricity).]

Si kastaba ha ahaatee, in aad af-Soomaaliga sidaa u kobciso, ood afafka waaweyn sida afka Ingiriiska oo kale garab-geliso, waa arrin awooddeeda leh; kuna mahadsanid.

Waan la sii socon doonaa taxanaha qoraalladan sidan u dhisan ee aad inoo soo tebinayso.

Jidhidhico,
Jidhidhico.wordpress.com

Seid Abdi said...

Ku mahadsanid inaad ka faallootay, waxa aan gaarkayga isugu dayaa inaan ereybixinta ka dhiman af-Soomaaliga buureeyo. Waxa taasu meesha ka saaraysaa isweydiinta ah "Af-Soomaaligu ma leeyahay ereygaas?" Waxay tusaalaynaysaa inuu yeelan karo. Waxa se gundhigii ay ahaataa, in ereyo siyaabo kala duwan loo hidiyo, balse ka bulshadu ama dadka afka u qaabilsan isku raacaan uu ahaado ka sugan, ee hirgala.

Ereyga JAC waxa koonfurta Kiiniya xigta looga yaqaanaa DANAB-ka , ama BIRIQ-da waxa la dhaho, (ereyga danbe waa Carabi), waxa aan ka waayay ereybixintii hore ee Soomaaliga erey u dhigma ELECRICITY - Waxay Soomaalidu adeegsataa erey af-Talyaani ah(KORONTO)-oo ah CURRENT.
Ujeeddadayda koowaad waa isku-dayga ereybixintu inaanay ka dhex dhamaanin bulshada Soomaalida yar iyo weynba. Af-Soomaaliguna haddii lala doono uu barbarayn karo af kastoo kale.

Jamaal said...

Salaam ka dib,

Saaxiib, aad baad ugu mahadsantahay ereybixintaan qiimaha leh. Runtii waa dhib badantahay in erey English ama Laatiin ah Soomaaligiisa la raadsho, ereyada isu tegey sida Email way adagtahay in la Soomaaliyeeyo, laakiin waa suurtogal in ereyo u dhigmaa Soomaaliga ku jiraan oo qofkii isku howlaa keeni karo inkastoo aan garan karo waqtiga ay qaadan karto.

Waxaan dhowaanahaan in aan ereybixin u helo software aan rabay in 'locale' Soomaali ah u sameeyo, haseyeeshee qofba meel ayuu ku fiicanyahaye way igu adkaatay oo hadda waan iska laabay baalkaas. Laakiin, qormadaadaani waxay igu dhiirra gelinaysaa in aan mashruucii dib u soo cusbooneeyo.

Mahadsanid,

Jamaal

Seid Abdillahi Abdi said...

"Gargaraaceeda iyo ha dayn geed ka didinteeda!"
[SOFTWARE = Qorshedaar] Ma kula noqon kartaa, meesha ay [HARDWARE = QOLOFDAAR] ka noqonayso. Falanqaha ereybixinta aynu ka wada yeelano, ayaan soojeedinayaa intii ereybixinta ka hesha ee isku hawsha.

aafi said...

Mudane Horta aad ayyaad u mahadsanahay, waxaanan runtii ku odhan lahaa marka hore bal magaca ku bilaw soomaliyaynta oo ma Siciid baa lagu yidhaa mase Sayid?

Intaa kadib, waxaan dhawaan ka dhagaystay Radio 4 warbixin ka warmaysa ina uguyaraan dhawr iyo labaaaan eray bixin Afka Cibriga ah lagu soo kordhiyo afkaas, oo dadku soo jeediyaan, dabadeed loo saaro guddii illaa 6 sano ka baarandegta, dabadeed halkaas si rasmiya loogu daro, haddao garo oo af sii dabar go'ayay ayay maanta Nuclear-ka ku samaysateene!!.

Intaas kadib waxaan soo jeedin lahaa ina la unko gole (forum) qof walba ku soo kordhinayo eraybixintiisa, dabadeed la socondiisyo oo warbaahinta sida BBC loo bandhigo inay adeegsato, kuwa kalena inta badan iyaday dab galaaane.

Dhinaca kale, Carabtu waxay leedahay Majmac All-luqa Al-carabiya, sida wadamada addunka kale, iyagoo carabiyayeeya (computer=xaasuub) kolba kalmadaha qalaad ee soo kordho, sidaasoo kalena waynu yeelli karnaa.

Gabagbadii, waxaan qabaa inaynaan ka liidan afka Cibriga ee 6000 oo sano kar baaba'ay ee maanta ka mida luqadaha wadamada adduunka ugu farsimaadka badan.

Waa inoo marka kale Eeba idankii

Seid Abdillahi Abdi said...

Boowe! Waad ku mahadsantahay faallada aad ka soo bandhigtay. Xaga magacayga- Magacu waa summad ee garo! Saciid ayaa Soomaaliduna dhahdaa Siciid, waa sidaasi darteed awada uu u duwan yahay. Waxa aad carabaabtay in ay jirto baahida ereybixineed xaga Soomaaliga. Way jirtay rug ama xarun ama goshi(ACADEMY)qaabilsanaa hawlaha ereybixinta iyo hawlaha kale ee afka. Haatan haddii aad carabka ku dhufatay in FORUM aynu u samaysano waa mid aan taageerayo, si himilada afeed ee aynu wada higsanaynaa u hirgasho oo u sugnaato. Soojeedintaas sidii ay ku suurageli lahayd aynu kolalka danbe ka falanqoono.
MAHADSANID adiga iyo darka kalaba.
Siciid Cabdillaahi

Anonymous said...

Maalin Wanaagsan. Magaceygu waa Siciid.

Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida aad iskugu howshay eray bixinta af-soomaaliga inkasta oo erayada qaarkood eey aad u adag yihiin. Waxa aan jeclaan lahaay hadii aad garaneyso Maalmaha in af-soomaali loo dooriyo iyo weliba bilooyinka hadi ey jiraan ama la xasuusto kuwii aan adeegsan jirnay intii islaamka dalka imaan. Runtii waxa ey aniga ila tahay in af-soomaligu halis ku jiro maanta gaar-ahaan erayada ka yimid afka carabiga. Dhamaan dadka maanta inta badan waxa ey adeegsadaan erayo carabi ah iyadoo ey jiraan kuwa soomaali ah oo u dhigma. Aabahay iyo anigga markasto waan isku qabsanaa in uu joojiyo adeegsiga erayada carabiga iyo ingiriiska ah. Waxaa kale oo aan aad iga xumahay in BBC-da oo ah goobta dadka soomaalida inteeda badan xogta kala socdaan in iyagaba ugu daran yihiin burburinta af-soomaaliga oo eyba dan iska saareyn in ey adeegsadaan af-soomaali hagaagsan hadii ay ahaan laheyd qoraal ama meerin.

Mahadsanid

Seid Abdillahi Abdi said...

Ku-soo dhowow! Siciid! Waad ku mahadsan tahay faalladaada, xaga ereybixinta- Ereybixin waa la samayn karaa, waxa se iyaduna muhiim ah, isla-guddoonsiga, isla ogollaanshaha, isla-aqbalaadda maadaama afku u dhexeeyo bulshada oo dhan oo aanuu qofna gaarkiisa u maamulan karin. Magacyada maalmaha ma hayo aniguba summado magacyeed oo Soomaalidu u leedahay. Waxa se ay Soomaalidu lahayd magacyo bilaha ay u leedahay. Tirsiga maalmaha,bilaha, iyo sanaddada waa astaan ilbaxnimo ama xadaaradeed. Waxa aan Abwaan haatan muul ku ah Soomaaliga tixiisa ka maqlay LAMA, LAMISO, KOODAAL, HAKANBILA...iwm ma sii wada hayo, balse waa magacyo aan si rasmiya u yeedhmin oo si sarbeeb adeegsiya u soo yeedhi jiray.

Anonymous said...

Md. Siciid,

Lakaag, lakiig iyo lakuug waxa ay innaga haqab-tireen oo kaliya magac u samaynta tiraallada 10^6, 10^9, iyo 10^12. Si loo helo magac-tiraal af Soomaali ah oo u dhigma "nonillion = 10^30," IWM, waxaa lagamamaarmaan ah in la unko dibkabme iyo horkabmayaal. (Af Soomaaliga iyo afafka Laatiinku ba ma laha magac-tiraal "kun" ka sii sarreeya. Sidaas awgeed, tiraallada 10^6, 10^9, iwm. waxa ay afafka Laatiinku qaateen in horkabmayaal tiraal-Laatiin ah iyo dibkabmaha "illion" la isku lifaaqo, si ay tiraalladani magacyo u yeeshaan; oo "mono = 1" iyo "illion" waxa ay is la noqdeen "million.")

Si haddaba uu af Soomaaligu u yeesho magacyo tiraaleed oo "kun" ka weyn waa in horkabmayaasha iyo dibkabmaha la samaynayo ay si maangal ah ku yimaaddaan. Ugu horrayn, dibkabmaha waxaa laga dhalinayaa ereyga "weyn"; oo saddexda tibxood ee ugu dambeeya ayaa dibkabme ahaan loo qaadanayaa, waxaana soo baxaya alan furan oo ah "eyn." Horkabmayaasha waxaa laga dhalinayaa magacyada tirooyinka tiraaleed ee eber (0) iyo illaa sagaal (9). Magac kasta, tibix qudha ayaa laga qaadanayaa. Waxaana xeer ah (la yiraahdo Tirmayn uu inna farayaa) in aysan tibix na, mar na ba, soo laba goor-noqon karin! Sidaas awgeed iyada oo xeerka "Tirmaynta" la raacayo, sidii la doono ba tibxahan waa loo dooran karaa, balse Anigu waxa aan u doortay sidan: ebe(r); (k)ow, (l)aba, (s)addex, a(f)ar, (sh)an, li(x), toddo(b)o, si(d)deed, iyo sa(g)aal. Waxa ayna tibxahanu kala yihiin: r, k, l, s, f, sh, x, b, d, iyo g.

Haddaba, horkabmayaasha oo lagu nabey dibkabmaha "eyn" waxa ay samaynayaan magacyada tiraaleed ee ka weyn "kun." Tusaale ahaan, 10^6 = keyn, 10^9 = leyn, 10^12 = seyn, 10^15 = feyn, 10^18 = sheyn, 10^21 = xeyn, 10^24 = beyn, 10^27 = deyn, iyo 10^30 = geyn! Tibixda "r" waxa ay ka dawo tahay dib ayaan ugu soo noqon doonaa, balse marka hore saw ma aynaan magcaabin: 105,123,445,666,777 = boqoliyo-shan seyn, boqol labaataniyo-saddex leyn, afar boqol afartaniyo-shan keyn, lix boqol lixdaniyo-lix kun, toddoba boqol toddobaataniyo-toddoba?!?

Adeegsiga xeerka Tirmaynta ee xulashada horkabmayaasha ku shaqada leh iyo adeegsiga dibkabmaha "eyn" ba waxa ay ku yimaaddeen si maangal ah. Haddaba, si loo helo magaca tiraaleed ee ka korreeya "geyn" waa in la sameeyaa tiraal maangal ah oo u dhigma toban. Tiraalkani waa "kir," oo ah "kow iyo eber." Tibixda "k" waxa ay u taagan tahay "kow," "i"-na "iyo," "r"-na "eber." Ka socoo, laba iyo eber, amma labaatan (20), waxaa lagu magcaabayaa "lir," saddex iyo eber na "sir," iwm. Sidoo kale, kow iyo toban oo ah hal iyo hal, qoraal ahaan, waa "kik"! Sagaaliyo-sagaashan waa "gig." Boqol, amma hal iyo eber iyo eber, waa "kirir," oo kun na waa "kiririr." Kolka, sidan ayaa horkabmayaasha loo sii wadayaa: 19 = kig, 32 = sil, 54 = shif, 98 = gid, 556 = shishix, 145,666 = kifishixixix (kow iyo afar iyo shan iyo lix iyo lix iyo lix)!

Haddaba, magaca tiraaleed ee 10^33 waa "kireyn," 10^99 waa "sileyn," 10^1014 na waa "sisibeyn." Tirada jibbaarka ah iyo horkabmaha waxaa ka dhaxeeya xiriir ah h = j/3 - 1, taas oo ay "j" u taagan tahay jibbaarka, "h"-na horkabmaha. Waxaa shardi ah in ay "j" tahay dhufsanaha 3, kana bilaabato 6, sida: 6, 9, 12, iwm. Tusaale ahaan, tirada 10^6000 waxa ay leedahay horkabmaha 1999, magaceeda tiraaleed na waa kigigigeyn!

Gabagabadii, sida ay afafka Laatiinka ihi u yeesheen magacyo tiraaleed oo aan xadidnayn ayuu af Soomaaligu na u yeeshay. Waxaa magacyadan tiraaleed ka mid ah kuwa yaryar sida: 10^-6 = keyneed (millionth), 10^-66 = likeyneed (sextillionth), iyo waliba kuwa waaweyn ee aynu soo dul marnay.

Mahadsanid,
Jidhidhico

Seid Abdillahi Abdi said...

Mahadsanid Saaxiib,
Sidan aad u soo hindise jeedisay, waa si la siisan karo, balse waxa ay galaysaa marka waxbarashada, sida ay aniga haatan ila tahay. Dhankayga waxa aan u jeedaf lahaa xaga afka raadifan(caadiga-ku-tilmaaman) in LAKAAG, LAKIIG iyo LAKUUG lagu tubaabtamo. Fikradaada waan taageersanahay maxaayeelay si maangelyo ku fadhida ayaad u soo bandhigtay.

Anonymous said...

Mahadsanid walaal.

Faalladaas kooban waan sii dheereeyay, waraaq ayaanan ka diyaariyey (oo meelaha qaar ayaan saxay amma taariikheeyay). In aad hore u aragtay mooyiye, haddii kale HALKAN baad ka akhrisan kartaa, haddaad wakhti u hesho, waraaqdaas.

Sida kale, waan kugu raacsanahay adeegsashada afka raadifan.

Ciid wanaagsan,
Idiris

Anonymous said...

Bariido San Md Siciid,

Waxa aan dhowaan bilaabay barashada af soomaaliga aqoonta (Acadmic somali), inkasta oo la ila yaabay oo dadka qaar igu yidhaahdeen, adiga oo soomaali ah miyaad soomaali baranaysaa. Af adeegii iyo af aqooneedkii ayaan u kala soocnayn badi dadkeena.

Markaan bilaabay barashada af aqooneedka soomaaliga ah, waxa aan u baahday eraybixino cusub. Nasiib wanaag se waxa aan halkan kula kulmay eray bixino qaniya. Aad baad u mahadsantahay, eeba raali ha kaa noqdo walaal.


Nabad

Mustafe

Unknown said...

MashA Allah aad iyo aad ayaad umahadsantahay walaal walaahi Waa wax lagu faanno waxa aad samaysa.
run aahaantii Aad ayaan ufaRxay

Waxaanse ballanqaadayaa inaan uhawlgali doono korriinka afkeena iyo ka maaranka ereyada qalaad Maanta oo aan ka mid ahay mijaha (shacabka) iyo Bari oo aan noqondoonno madaxa (soomaalida) oo aan hada ahay ubax walikoraaya

Unknown said...

MashA Allah aad iyo aad ayaad umahadsantahay walaal walaahi Waa wax lagu faanno waxa aad samaysa.
run aahaantii Aad ayaan ufaRxay

Waxaanse ballanqaadayaa inaan uhawlgali doono korriinka afkeena iyo ka maaranka ereyada qalaad Maanta oo aan ka mid ahay mijaha (shacabka) iyo Bari oo aan noqondoonno madaxa (soomaalida) oo aan hada ahay ubax walikoraaya

Unknown said...

MashA Allah aad iyo aad ayaad umahadsantahay walaal walaahi Waa wax lagu faanno waxa aad samaysa.
run aahaantii Aad ayaan ufaRxay

Waxaanse ballanqaadayaa inaan uhawlgali doono korriinka afkeena iyo ka maaranka ereyada qalaad Maanta oo aan ka mid ahay mijaha (shacabka) iyo Bari oo aan noqondoonno madaxa (soomaalida) oo aan hada ahay ubax walikoraaya