Sunday, 11 December 2011

Hilaad-tus = Calendar

HILAAD-TUS-ka = The Calendar
Isweydiimo badan baa jira oo ku tooman bulshada Soomaalida, kuwaasoo isweydiinaya in bulshadani lahayd hilaad-tus, ay ku tubaabtami jireen. Dadyowgii odorasay ee waxdhigashooyinka Soomaalida faanbiyay waxa ay qireen, in dadkani lahaayeen maalmo tirsiimo, iyo bilo tirsiimo, iyo gu’tirsiimo. Maalmuhu waa ay u kala asteysnaayeen, biluhuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen, gu’yaalkuna sidoo kale waa ay u kala astaysnaayeen. Waxa se aanay tira-tusmaynin hilaad-tus sii kordha tirsiga gu’ba gu’ga xiga, kaasoo ahaan lahaa hilaad-tus muuqda.
Aqoomihii Soomaalida waxaa ka mid ah, xiddigiska(Astrology-ga)- Maaha ASTRONOMY oo ka dhigan XIDDIKASYI-ga. Labadaas aqoomeed waa aynu kala aqaynaynaa, sida ay u kala jiraan. Xiddikasyi-gu waa barashada malluubaha(Malluub-ta=THE OBJECT) koraysyeed ee cirka ka muuqda. Kuwaas oo ay ka mid yihiin –Qorraxda, Dayaxa, Meereyaasha, iyo Xiddigaha. Xiddiguhu waa malluubo, cirka ka muuqda malluub ahaan-na waa qorraxyo fog-fog, oo lakaagyo gu’ileys/Shimil-ileys(Lightyear) inoo jira. (GU’ILEYS/SHIMIL-ILEYS/LIGHTYEAR= Fogaadda uu ileys socdaali-lahaa gu’ ama sanad.)Fogaantaas oo keenaysa inaynaan u dhuganin ahaantooda ay yihiin qorraxyo fogfog, balse ay inoogu muuqdaan malluubo bidhaamaya. Dayaxu waa malluub ka ileys qaadata qorraxda oo iftiime ahaan inoogu muuqda. Meere waa malluub ku meera qorraxda , dhulku-na waa sidaas oo kale waa meere ku dul-meera qorraxda. Dhugashada meerayaashu waa kuwa ifaa-baqtiya marka la eegayo habeenkii, halka xiddiguhu ifaa-muuqdaan oo aanay wac-demlaynin. Marka aynu dhulka joogno ee aynu wax ku dhuganayno isheena arradan, dayax keliya ayaa inoo muuqda kaasoo ah, kan aynu ka tirsano bisha tirada ay marayso kolba. Haseyeeshee , haddii aalado la kaashado waxa meereyaasha kaleeto ay leeyihiin malluubo ka dhigan dayaxyo laga arko, waa marka aalad la kaashanayo.
Marka aynu warinayno Xiddikasyiga –DAYAXU waxa uu ku dul-meeraa DHULKA, dhulkuna waxa uu ku dul-meeraa QORRAXDA.

Dunida maanta waxaa ka hilaad-tus ah, laba hilaad-tus oo midkood laga soo tirsi-bilaabay dhalashadii Nebi-Ciiseh(c.s.) – Oo ku socota qorraxtirsiimada, 12-kii biloodba mar (Shimil-ku)gu’gu u yahay mid cusub. Tan kale waa Hijradtirsiimadii Nebi-Muxamed (s.c.s.)- oo ku socota dayaxtirsiimada, halkaasoo 12-kii biloodba dib u soo bilaabanta (Shimil)gu’ cusub. Labadaas hilaad-tus ayaa la kala hilaadsadaa – 1- Hilaad-tuska MIILAADIGA –iyo 2. Hilaad-tuska HIJRIYADDA. Soomaalidu waxa ay tirsadaan Hilaadtuska HIJRIYADDA, oo ay la haystaan dadyowga kale ee Muslimiinta ah. Geesta kalana waa ay la tirsadaan , tan MIILAADIGA ah, dadyowga kale ee taas tirsada, iyadoo la qoro, sida ay kolba iskugu beegmayaan miltiyadoodu(DATES-ku).
Tusaale:- Maanta maalintu waa MALLABO(Ithniin), miltigu-na(DATE) waa 12, bishii (Decembar)oo ah tii 12-aad ee hilaad-tuska MIILAADIGA oo maraya 2011-gu’yood. Halka ay HIJRIYADDU-na marayso 17-kii MUXARAM 1433-gu’yood. Hilaad-tuska Soomaaligu na waxa uu ku tilmaamaa bisha MUXARAM oo ay ugu magacaaban tahay 17-kii bisha DAGO.
Magacyada bilaha HIJRIYADDA ee Carabiga ah, iyo magacyada Soomaaliga ah –sidatan ayay u gudboon yihiin:
Hilaad-tuska Dayax Ee Soomaalida: SOMALI LUNAR CALENDAR:
1- MUXARRAM = DAGO
2- SAFAR = DHURRO-HORE
3- RABIICAL-AWAL = DHURRO-DANBE
4- RABIICAL-THAANI = RAJAL-HORE
5- JAMAADUL-AWAL = RAJAL-DHEXE
6- JAMAADUL-THAANI = RAJAL-DANBE
7- RAJAB = SABBUUX
8- SHACBAAN = WAABERRIIS
9- RAMADDAAN = SOON
10- SHAWAAL = SOONFUR
11- DTUL-QQACDAH = SIDATAAL
12- DTUL-XIJJAH = CARAFO
Waxaan sidaas ka soo xigtay kobgalsheedka www.REDSEA- ONLINE.COM
Soomaalidu magacyo uma ay yeelanin maalmaha, waxa se jira magacbixinno kale oo kala duwan oo
la kala yeedhsado.

HILAAD-TUSKA QORRAXEED EE SOOMAALIDA: SOMALI SOLAR CALENDAR:

Bilaha Xilliga Gu'ga = Months Of Spring Season:

1. SEERMAWEYDO = APRIL
2. DIRIRCAWLEED = MAY
3. DIRIRSAKAARO = JUNE

Bilaha Xilliga Xagaa'ga = Months Of Summer Season:

4. SAMALAHO = JULY
5. WARANWEER = AUGUST
6. KARAN = SEPTEMBER 

Bilaha Xilliga Dayrta = Months Of Autumn Season:

7. DANBARSAME = OCTOBER
8. DAYR-HALALOOD = NOVEMBER 
9. DAYR-GUDBAN = DECEMBER

Bilaha Xilliga Jiilaalka = Months Of Winter Season:

10. TODOB = JANUARY
11. XAYS = FEBRUARY
12. DIRAAC = MARCH

Magacyada Maalmaha Todobaadka Oo Ka Gudbandhigan Micnaha Carabiga: Names Of The Week-days In Somali Language:

1. AXAD = MALKOW ,
2. ITHNIIN = MALLABO ,
3. THULATHAA = MALSED,
4. ARBACAA = MALAFAR,
5. KHAMIIS = MALSHAN,
6. JUMCAH = MALKULAN ,
7. SABTI = MALTOD.
Fiirra Gaarra: Waxkaseennada Soomaalida ee malluugayn jiray malluubaha cirka jira waxa ka sugnaaday in Qorraxda ay dayi jireen taasi oo todoba magac u kala lahayd, todobada magacna tilmaamanaayeen 1- Milic: 2- Qorrax: 3- Gabal: 4- Dhalco: 5- Cadceed: 6- Shaacdo: 7- Libdho: waxa mulluugeeyayaalsha Soomaalida ee Cadceedda magaca ay maalintaas xusan tahay ka burtay markii Qqur'aanku bayaamiyay in HAL SHAMS uunlee ay tahay oo markay kaa maqan tahay qayrkaa ku maqan tahay, oo waxaa buray ictiqqaadkii ahaa in dharaar walba mid gooniyi soo ilays ka baxdo.