AFARQAAD KALE:
Waxa
aynu hore u tiraabnay Qeexaalka Guud Ee
Af: Oo aynu afar xubnood ku koobnay:
1-
EREYO, 2- DHAWAQ, 3- DHADHAN, 4- DHISMAYN.
Waxa
aynu sii afarqaadaynaa sisibahaas afaran ee aynu afka ku soo koobnay
garashadiisa ama barashadiisa. Waa ay jiraan qeexniinno kale oo af lagu qeexan
karo, waxaa kaloo la dhahaa waa LAAC WARGUDASHO = Medium Of Communication,:
HAB
summaddo u ah ifaalleynta aqoonta ama wargudashadooda Aadmiga…, etc(iwm)- waxa
se aynu ku saljoogaynaa sisibahaas afaran oo aynu ku sii ambaqaadaynaa
faallooyin iyo faahfaahinno tafatiran.
EREYO = MIDHO = ARRAH:
Waxaa
laga sii ambaqaadaa Diiwaanka Ereyada oo lagu magacaabo Qaamuus, Ereykoobe,
Afsuud( Suud = Hubsiimo), Arrahsuud(Lexicon). Midhaha afka marka la
diiwaangeliyo waxa kaloo aynu dhahaynaa MIDHAMUUL=Vocabulary: (Muul= Waa erey
Carabi-Soomaali ah oo ka dhigan ku buuxsanaan/ku-dhamaan).
Waxa
aynu hadda tiraabaynaa ARRAH= Dhaqan ahaan, soojireen ahaan, haweenka ayaa
arrahsan jiray, taasoo ka dhigan …Waa ay midho-guran jireen!
Xaga
kasmada ARRAH waa midh erey ah, oo ah erey sixin, saafiya, asal-Soomaali ah,
halka Midhamuulku tilmaamayo ereyada afka ee adeegsan, kuwaasoo isugu jiri kara
kuwo asal-Soomaali ah, iyo kuwo asal-qalaadood ah. Sidaas darteed ARRAHU waa
midhaha sixin ee afka haybtiisa odoleeya(constitutes). Waxa erey-tiraabeedkan
aynu ka tarsanaynaa:-
LEXIS =
Arrah
LEXICAL
= Arraheed
LEXEME =
Arrahti
LEXICON
= Arrahsuud
LEXICOLOGY
= Arrahgarad/Arrahgaran/Arrahkasyo
LEXICOGRAPHY
= Arrahqorniin
Waxa aynu
qeexaynaa:-
LEXEME(ARRAHTI):
Waa unnugta ugu yare e ku tirsan midhamuul af.Tusaale:- IF..QOR..QAAD
DHAWAQA:
PHONETICS
= DHAWAQTAN
PHONOLOGY
= Dhawaqgarad/Dhawaqgaran/Dhawaqkasyo
PHONEME
= DHAWAQTI: Waa haltida ugu yar ee ku sudgaaran cod soo saarka Aadmiga, taasoo
ka adeegta dunaandayista micnaha.
DHADHANKA:
SEMANTICS
= DHADHANTAN-ka
SEMEME =
DHADHANTI: Waa unnugta ugu yar micne ee loo tixgeliyo marka la lifafgurayo
dhadhantankiisa afka.
F.G.(N.B.):
Ha ku laqbudin DHADHAMO = TASTE, - DHADHAMOOYIN = TASTES: Oo ahaada shanta lagu
barto Halgedda Anoolka(The Biology): 1-Macaan(Sweet),
2-
Qadhaadh(Bitter) , 3- Dhanaan(Sour), 4- Cusbood(Salty), 5- Ladaadyo(Umami)-[e.g.Delicious Food = Cunto Ladaadyo leh.]
DHISMAYN:
Waxaa
muhiim ah: Kala-ogaanshaha, kala garashada ama kala-barashada Qoodadka
Ereyada(Word Classes): Oo ah Qanqeybaha wax-hadalka(Parts Of Speech): Sida in erey
qoodkiisu yahay MAGAC(NOUN), FAL(VERB), SITAAN(ADJECTIVE) iwm.
Qeybta
ugu muhiimsan garashada afka ama barashada afka waa qeybtan
DHISMAYNTA(Construction): Waxa aynu soo
garanay ama baranay EREYADII, DHAWAQOODII iyo DHADHANKOODII oo ah micnayaashoodii,
inta ba waxaa ka muhiimsan DHISMAYNTOODII si aynu u soo saarno:
TARAB =
CLAUSE
TIBAAX/TIRAAB
= PHRASE/TERM
WEEDH =
SENTENCE
Waxa
aynu qeybtan ku magacaabnay:-
SYNTAX =
TAXDI-da: Waa habka quman ee ereyada la iskugu daba-taxo.
SYNTACTIC
= TAXDIYEED
SYNTACTICS
= TAXDIYEYN-ta
Dhismaynta
waxaa ku xindiyan(Conditioned by) barashada GAREEF-ka AF-ka [GARAAD waa halka uu dhurto EREYTIRAAB-ka Haboon Ee Aan U Dhigayo GAREEF-ka LAQAD SOOMAALIGA ahaan] (GAREEF-ka...adeegsi The Grammar)-ka afka aynu
kolba u gol-leenahay, barashadaas dabadeed waxaa inoo suuroobaysa inaynu si
raabaqaadan iskugu taxno ereyadii afka, inagoo aqoonsan ama garanayna XEERAR-ka
aynu tixgelinayno, si aynu u soo saarno WEEDH QUMAN(Correct Sentence) oo aynu
iskaga jirno WEEDH QARBUDAN(Incorrect Sentence).
MORPHOLOGY
= GEDBISKA-[SSARFI(Carabi)]:
* The Study Of Word And Term Formation And The Variations They Undergo In Discourse.
* Waa Barashada Erey Ama Tiraab Samaysmadka Iyo Gedgedoonka Ay Soo Maraan Marka Hadalka.
* The Study Of Word And Term Formation And The Variations They Undergo In Discourse.
* Waa Barashada Erey Ama Tiraab Samaysmadka Iyo Gedgedoonka Ay Soo Maraan Marka Hadalka.
Derivational Morphology = Gedbiska Dhiraandhirmeed: Waa hababka nudubaynta(Affixation) ee
gedeeya EREY kale iyadoo HORKABME, DIBKABME ama DHEXKABME uu raacayo salkii
hore ee ereyga. Tusaale:- FOG+AAD = Distance.
Inflectional Morphology = Gedbiska Gedarogrogeed: Waa suubaabinta(The Modification-)-erey lagu
gedeeyo kaasoo ahaa Erey Magac oo keli-ah – lagana dhigo Erey Magac wadar ah,
ama Erey Fal ah – oo loo gedeeyo si Tagto(Past), ama Timaaddo(Future).
MORPHEME
= GEDEYNTI: Waa unnugta ugu yar ee micne gedaysa ee leh falmoonaan Garaad.
4 comments:
As-Salaamu Calaykum,
Waa qormo xiiso badan! Afku waa bad aan laga bixi karin. PRAGMATICS-na ku dar qaybihiisa kala dhilan.
Mahadsanid,
Idris
Mahadsanid Idriis,
Waan ku dari doonaa, waxa se ka fiirsi iyo ka soo baaraandeg u baahan ereybixinta qaarkeed.
Ku mahadsanid taas.
SEID ABDI
Assalaama Calaykum,
Wax badan oo muhiim ah ayaa aad soo qortay, saaxiibkayow! Waxa se ay weli u baahan yihiin, sii faahfaahin intaas ka badan, calaa-kuli-xaal, waad ku mahadsan tahay dedaalkaaga.
Xasan Cali
Addis Ababa
Ethiopia
Midanid Xasan Caliy Baraahiim Nuux Aadam
Post a Comment