FAAQIDAADDA HAWRAARTA: (Critiquing Literature)
Sida aynu soo ogsoonaanay, hawraarta ayaa
laba goon ah: SOOBAAN Iyo SUUGAAN: Waxa aynu xadidaabnay waxa SUUGAAN inoogu
qeexnaanaya, oo aynu dhahnay waa MURTI-da iyo MAANSOOYIN-ka. Waxa kaloo
aynu carabaabnay waxyaabaha goonka SOOBAAN ku tilmaamnaanaya: Waxa u horeeya:
-
XAANSHI QORISTA:
-
Xaanshi gacalnimo
-
Xaanshi codsiya
-
Xaanshiyo xafiiseed(Rasmiya)…Ka-xafiis
ilaa xafiis aada: Ama Wareegto iwm.
-
CODBAYN-ta/CODBAAN-ta/QUDBAD-da/KHUDBAD-da:
Oo iyada la jeediyo oo kolkaas ah mid ORAFAN lagana dhigi karo mid QORAN.
-
CURIS-ka
-
INDEEX-da
-
MAQAAL-ka
-
JEEDAALWARIN-ta/JEEDAALO-da(The Review)
-
WARBIXIN-ta
-
WARFAALLO-da
-
FAALLO-da
-
INTIFAALLO-da
-
FALANQE-ha[Orafan ama Qoran]
-
FAAQIDAAD-da[Oo ah sida tan aynu hadda u
gol-leenahay]
-
WAX-KASMEED[Sida Dersiyo/Duruusta
buugaagta waxbarashada ku qoran]
-
WAX-GARNEED[Sida: Qandar qoran(Written
Contract), Dardaaran(Will), Dastuur(Constitution), ]
-
DIHADHIG-ga
-
TAABADHIG-ga
-
SHEEKOOYIN-ka[Buugaysan sida
NOVEL(Cusayble): Ama si kale u qoran oo la jili karo: Sida:- Majaajilo,Ruwaayad,Googoos,Maadays,Filim
iwm]
Ugu horayn marka aynu SOOBAAN faaqidayno,
waxa aynu kala soocyanaynaa halkarroda(The Features) soobaanta. Maxaa-yeelay,
halkar kastaaba waxa uu leeyahay sasaan afeed oo loo baahan yahay inuu ku
qornaado, ama ku dhignaado. Tusaale, haddii xaanshi gacalnimo uu qof qorayo,
waxa uu ku bilaabayaa:
Gacal Hebel/Gacalo Hebla
Halka haddii uu xaanshi xafiiseed qorayo
uu ku bilaabayo
Mudane/Jaalle ama Marwo/Jaalle
Sidaasoo weliba sii kale sasaan afeed
duwan. Xaanshida gacalnimo waxaa ku dheehan dareen maaxateed(Emotional Feeling)-Waxa
ku dheehan-Jacayl,labxasho,kalgacayl,isu-darsasho, is-jamasho,jamatiin(Romance)
iwm, halka tan rasmiyeed lagu dhigaaleeyo sasaan afeed tigtigan oo aan
maaxatadu hoggaankeeda ahayn.
Marka aynu isla garano, halkar kasta iyo
sasaan afeedka ku habboon inuu ku dhignaado, waxa aynu gudagalaynaa:
QIIMEYN FAAHFAAHSAN(Detailed Evaluation):
1. Dhoodad-siin[Giving
Merits For….]
2. Dhiifo-saar[Libelling
Defects For…]
Waxa aynu gudadayaynaa TIDICyada iyo
TUDUCyada waxqoraalka qoraa’ kasta, waxa aynu isu barbardhigaynaa inta DHOOD ee
qoraalkiisu yeeshay, iyo inta DHIIFOOD ee qoraalkiisu yeeshay.
Qoraallo-da waxbarasheed waxaa laga dayaa
xaga gawnaanta(The Exactness) waxsheegga, sasaan afeedkooduna yahay mid
bayaxa(Plain Language/Transparent), kaasoo ah mid tiraabaysan oo xiga sasaan
afeedka rasmiga ah si ahaan. Waxa waxqoruhu uu ku taabaqoraa hab tiraab-tiraab
ah, oo laga dhadhansan karo gawnaanta iyo saribnaanta (Specific-being ) waxa uu tilmaamayo, ama tiraabayo.
Qoraallo-da Curisyo ah, ama Sheeko ah,
waxaa laga dayaa MEEXAAN-ka(The Aesthetics), waxa lagu dhoodad
siiyaa, sida sheekarnimada leh ee uu u wax-sheegayo, higillada waxsheeg(Figures
Of Speech) ee ku jira, hilqadaha(The Ornaments) uu adeegsaday, sida
areennada(The Rhymes), Shibbareennada(The Consonances),
Shaqalreennada(The Assonances).
Waxa la dayaa oo lagu dhoodad siiyaa, sida
wax-qorniinkiisu ama waxsheeggiisu u ifaalleysan yahay(How Expressive it is), uu
u sifaalleysan yahay(How Descriptive it is), uu u
waraanwaryeysan yahay(How Narrative it is). Waxa la dayaa
xidhiidhsanaanta ama isku-taxnaanta wax-qorniinkiisa ama waxsheegyadiisa,
halsaawe ahaan(Monologue), haasaawe ahaan(Dialogue), iyo haasowtan ahaan(Conversationally).
Waxa lagu dhiifo-saaraa, sida uu intaas
aynu soo xusnay u hal-seegan yahay.
FAAQIDAADDA SUUGAANTA:
Suugaanta Murtideeda iyo Maansadeedu waa
ay kala saafan yihiin. Waxa aynu salal ka dhiganaynaa shanta god ee murtidu
leedahay, iyadoo aynu maanku ku haysanayno in aynu ka guda-baadhno Maansooyinka
tiraabaha murtigalka ah ee ku jira, oo ahaanaya tiraabaha dhaxalgalka ah, ee ku
jira maanso, kuwaasoo ahaada, kuwo tiriyaha Maansoda ka-dibkiis loo soo xigan
karo, tiraabahaas oo ah:
Maahmaah, Halqabsi, Halhays, Halkudheg,
ama Halxidhaale.
Suugaanyahanka kastaa waxa uu taawiyay ama
tiriyay waa FALTAAWO(ARTWORK): Waxaa aynu u faaqidaynaa sidatan:
1. DABUUBTA
Maansadiisa(Theme Of The Poem):
-Ma mid hufan baa? Mise waa mid xajiimo
leh?: Dabuubtu waa ujeeddada ugu muhiimsan/koowaad ee maansada uu u tiriyay
suugaanyahanku.
Sida Sooyaaleed(The Classical): Waxaa la
qiimeyn jiray ama lagu tartami jiray Dabuubahan: Amaanta Dumarka, Amaanta
Geella, Amaanta Fardaha iyo Guubaabada Dagaalgelinta ama Halganeed/Dareen
kicinta.
Halkan tix walba waxa aynu sheegaynaa
MEERISYADEEDA ama TUDUCYADEEDA(Oo ah intaasoo meeris oo isku ujeeddo
biya-dhigaya), inta HUFAN oo aynu DHOODAD ku siinaynaa, waxa kaloo aynu
sheegaynaa inta XAJIIMO-da leh oo aynu DHIIFO ku saaraynaa.
2. DULUCDA:
(The
Contents):
-Waxyaabaha Meerisyada ama Tuducyada
maansada ku tiraaban, ee ah nuxur guud, sida ka waranka ama ku soo halqabsiga
dad iyo adeenti kalaba sida Libaax , iyo Waraabe oo la isku barbardhigayo ged
murti-ahaaneed: Tusaale:
UBAD-DHAQASHADA:
Gorayadu Ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayoo
Aboodigu ku laayaa!
Shinbirtuna Aroosay
Ila-xidhoo amaana bay
Ubadkeeda seexisaa!
QOF-KAASHIGA:
Baadida Nin Baa Kula Dayi Daalna Kaa
Badane
Oo Inaad Hesho Doonayn Daa’in Abidkaaye!
GOBANIMADA:
Gobonimadu Waa Libin Ku Taxan Geeddi
Nololeede
Marna Waa Gumarrada Aadmigu Hantiyo Guusha
Ugu Weyne!
Waxa la dayayaa sida ay u guud-taran tahay
(Its
Common Benefit To Mankind), ama ay ugu gaar-taran tahay goosan dad ah,
sida qoys ama qabiil.
Sida aynu soo xusnay, haddii DABUUB-ta
tixdu ahaato mid dhiifo leh, oo looga jeedo mid aan waxtar u lahayn, Aadmiga,
maxaa-yeelay, Aadmiga dhulka guudkiisa ku nooli waa isku baahi, wixii midkood
ama qaar ka mida waxtar u leh, intooda kalana waxtar baa ay u leeyihiin.
DAWLIIKA: (Structure Of The Poem)
Waa meexaanka(The Aesthetic): Habdhaca,
sida ay maansadu u dhisan tahay farshaxan ahaan, ama taawo ahaan. Maanso kastaa
waxa ay leedahay TIBIXQAAR: Oo ah tibix uu ku dhisan yahay AREEN-keedu(Its
Rhyme): Waxa ay leedahay QADAN: Oo ah isu-dheelitirnaanta
Meerisyadeeda.
Dhisnaanta dhan ee TIBIXQAAR ee maansada
Suugaanyahan waxaa lagu siiyaa DHOOD.
Isu-Dheelitirnaanta ama QADAN-dhisnaanta
Maansadiisa waxaa lagu siiyaa DHOOD.
·
Gabaygu waa boqorka maansooyinka:
Meeriska(The Verse) gabayga ayaa ugu dheer maansooyinka jira.
·
Waxa kaloo jira gabay seddexley ah , oo ah
jaad-gabayeedka ugu dawliilka adag: Sida:
Habka Nolosha Hiddaha Iyo Dhaqanka Hilinka
Taariikhda
Hawshii Guriga Heeryada Ratiga Hiilka
Iyo Hooda
[Gabay: Sayid Maxamed Cabdalle Xasan]
Waxa kaloo la dhahay:
Habka Nabadda Hiddaha Iyo Dhaqanka Hilinkii Hilaadda
Hawshii Guriga Heeryada Ratiga Hiilka Iyo Hooda!
Waxa kaloo la dhahay:
Habka Nabadda Hiddaha Iyo Dhaqanka Hilinkii Hilaadda
Hawshii Guriga Heeryada Ratiga Hiilka Iyo Hooda!
Shansha Adhiba Shidhixaa Danbaa Shuxa Abidkiiye
Shahwo Oday Ka Qaaliban Abtiga Shaashadii Xumiye!
[Gabay Salaan Carabey]
Jaad gabayeedyadan ayaa ugu dawliil sareeya
gabay Soomaaliga.
Waxa ay leeyihiin TIBIXQAAR Seddexan,
halka gabayga raadifan uu leeyahay Tibixqaar Lamaan. Waxa u dheer HOORIS-ka(The
Chorus), oo ah sida uu ku soo sargo’aya. Gabay tusaaleedka koowaad, waxa uu ku
soo sargo’ayaa –DA. Halka gabay tusaaleedka labaad uu ku soo sargo’ayo –E. Taas
oo ay uga egyihiin Gabay Carabiga.
No comments:
Post a Comment